Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Tayib Erdogan, ayaa maanta si caro leh uga hadlay heshiis lagu tilmaamay mid taariikhi ah oo ay gaareen dowlada Imaaraadka Carabta iyo maamulka Isra’il.
Erdogan ayaa ku hanjabay in dalkiisa ay suurto gal tahay in uu qaado talaabo ka dhan ah heshiiska Imaaraadka la galay Isra’il’, waxa uuna xusay in xiriirka Diblumaasiyadeed u jarayaan Xukuumada Abuu Dhabi.
“Tallabaad la xiriirta arrinta Falastiin, ma ahan mid inaga dageyso, waxaa laga yaabaa in aan qaadno tallaabo aan meesha uga saareyno xiriirka diblomaasiyadeed ee naga la dhaxeeya Abu Dhabi, waxaana dhici karta in aan u yeerano safiirka halkaa inoo fadhiya,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan.
Madaxweyne Rajab Erdogan ayaa sheegay in dowladiisa ay mar walbo garab taagan tahay maamulka Falastiin, waxa uuna cadeeyay in aysan marnaba ogolaan doonin in la bur buryo Falastiin .
Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa la gashay maamulka isra’il heshiis ku aadan in dib loo soo celiyo xiriirka labada dhinac ka dhaxeeya, waxaana Isra’il badalka heshiiskaasi ogolaatay in ay joojiso in ay isku sii balaariso dhulka Daanta Galbeed.
Heshiiskan ay gaareen Imaaraadka Carabta iyo Isra’il ayaana caro badan iyo hadal heyn ka abuuray wadamada Carabta iyo guud ahaan wadamada Islaamka, waxa uuna noqday heshiiskan mid si weyn loogu cambaareeyo dowlada Imaaraadka Carabta.
Comments
Post a Comment