qoralka UNHCR. Kenya ayaa qorsheyneysa inay xirto xerada qaxootiga ee Dhadhaab, oo ay ku nool yihin ugu yaran 230,000 oo qaxooti ah
Kenya
ayaa qorsheyneysa in ay xirto xerayaha qaxootiga ee dalkas taaso ay ku nool
yihin ku dhowaad rubuc milyan qof, oo inta
badan Soomaali yihin bilaha soo socda, sida lagu sheegay dukumiinti UN.
Xerayaha
saddexda ah ee Dhadhaab Kenya ayaa la xirayaa dhamaadka bisha Agoosto iyada oo
la raacayo qorshaha Kenya, ay rabto.
Hayada
qaxootiga aduunka u qabilsan ee (UNHCR) aya shacisay iney heshay waraaq bishi
labaad 28 keedi taso Kenya ay ugaga codsaneyey iney laga raro qaxootiga mudo 6
bilood ah gudohood
Waraqdan
aya ka danbeysey kadib marki UNHCR ay 19kii isla bishasi laabad ay u qortay
keya oo ay kaga codsaneysey in la
kordhiyo magangelyo donka imanaya xeryaha dhadhaab,
Kadib
waraaqda danbe ee Kenya, UNHCR waxay sheegtay in ay ka go'an tahay in ay la shaqeyneyso
xukumada Kenya sida dib-u-noqoshada mutadawacnimada ee wadamada asal ahaan ka
soo jeedan,ama in qaxootiga loo wareejiyo qaybaha kale ee Kenya iyo in lasiiyo dib u dajinta dalalka saddexaad.
Dhadhaab
waxaa loo tixgeliyey xerada qaxootiga ee ugu weyn dunida, iyada oo ugu yaraan qiyaasti
580,000 oo qaxooti ah lagu shego . n kasto hada Xerada ugu weyn ay tahay Cox's
Bazaar ee Bangladesh, taas oo ay k jiran ugu yaran ilaa 600,000 oo qaxooti
Rohingya ah oo ka soo cararay Myanmar.
Bishii
May ee sannadkii 2016 ayaa dawladdu si aan rasmi ahayn u go'aansatay in ay
xirto xerada, iyada oo sheegtay in ay ahayd goob argagaxiso oo ay al-Shabaab ku
leedahay
Tobanaan
kun oo qaxooti ah ayaa ku laabtay Soomaaliya iyada oo loo marayo qababka mutadawacnimada
ah ee dib-u-celinta.
Si
kastaba ha ahaatee, Somalia hadawaxa ka jira abaarihii ugu xumaa ee abid soo
mara, xaalad gaajo iyo xaalad aad u xun oo ay ku noolyihiin 5 malyan oo qof oo
aan haysan cunto ku filan, halkaa sido kale ciidamada Afrika iyo kuwa
Soomaaliya ay weli la dagaalamayaan al-Qaacida ee al-Shabaab.
Hay'adda
Amnesty International ayaa sheegtay in ay diiwaangelisay mas'uuliyiin dawladeed
oo ku hanjabay qaxootiga inay tahay inay baxaan, "waxay kordhinayaan
su'aalo halis ah oo ku saabsan in dib u noqoshada ay tahay mid ikhtiyaari ah.
Kadib
Febraayo 2017 Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa go'aamisay qorshaha ah in la xiro
xerada ay ahayd mid aan dastuuri ahayn, oo ku xad gudubtay waajibaadka
caalamiga ah ee Kenya, oo ay ku jirtay cidhiidhiga qaxootiga.
Maxkamadda
ayaa sidoo kale sheegtay in dib-u-celinta khasabka ah ay jabisay 1951
Heshiiskii Qaramada Midoobay ee Qaxootiga.
Tan
iyo markii ay ciidamo u dirtay Soomaaliya sannadkii 2011, Kenya waxay noqotey meel
ay ka dhacan weeraro soo noqnoqday oo ka imanaya al-shabaab
iyada
oo sheegtay in Soomaalida ku jira xeryaha dhadhaab ay qorsheynayeen weerarradi
al-Shabaab ee suuqa ganacsiga ee Westgate ee Nairobi sannadkii 2013 iyo
weerarkii jaamacadda Gaarisa ee sannadka 2015, inkastoo aysan bixin caddayn.
Dadaalka
ugu dambeeyay ee lagu xirayo wuxuu dhacayaa wax yar ka dib markii uu dhacay
weerarkii January 15 ee kuyaal Hotel Dusit oo Nairobi ku yaalla oo 21 qof ku
dhintey. Ugu yaraan 12 tuhmane ayaa lagu qabtay Dhadhaab oo lala xiriiriyay weerarkas.
Comments
Post a Comment