UGANDA nin ololihii dorashada qoday ceelal marki uu wayeyna celashi dib u burburiyey

Patrick Okumu ii ah Nin horay uga tirsanaa xildhibaannada Dowladda Hoose ee degaanka Nebbi oo ka tirsan dalka Ugandha ayaa burburiyay ceelal uu degaankaasi ka qoday si ay uga cabaan dadweynaha.
Okumu ayaa dadka degaanka ku tilmaamay abaal laaweyaal ka dib markii ay codadkooda siin waayeen.
“Dadka degaankan ku nool abaal ma laha. Waxaan ka rabey codkooda iney i siiyaan, Carruur badan baan wax u bari lahaa, balse waxayii galeen si xun” ayuu yiri.
Burburinta ceelasha ayaa bilabatay Isniintii hore illaa Arbacadii ina dhaaftay wax yar kaddib markii ay soo baxday natiijadii cod bixinta oo looga guuleystay Patrick Okumu.
Ninkan oo la hadlay wargeyska New Vision ayaa sheegay in aanu ka shallaayaynin falka uu ku dhaqaaqay, isagoo ku dooday inuu lacagta jeebkiisa ka bixiyay.
“Waan ka xumahay wixii ay igu sameeyeen waanse la heshiin doonaa, hadda meelo kale biyo haka raadsadaan, waayo lacagtayda ayaan ceelasha ku dhisay.” ayuu yiri Okumu oo caro aad u xoog badan ay ka muuqatay.
Patrick Okumu, ayaa helay oo keliya  1,270 codadka laga qaaday 9,940 codeye.

Patrick Okumu-Ringa

Comments