Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw ka dhoofay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Farmaajo iyo Wafdiga uu hogaaminayo ayaa u duulay magaalada Doha ee caasimada dalka Qadar, waxaana Madaxweynaha dalka Qadar howlo shaqo u joogi doonaa mudo labo maalmood sida laga soo xigtay xubno katirsan Madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa inta uu joogo dalka Qadar la kulmi doona Amiirka dalkaasi iyo masuuliyiin kale, waxaana labada dhinac kawada hadli doonaan arimo ay kamid tahay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Qadar u kordhin laheyd taageerada ay dowlada siiso.
Dowlada Qadar ayaa kamid ah dowldaha sida weyn u taageera dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, waxaana dowlada Qadar la sheegaa in taageeradeeda ay sabab u aheyd in dalka Madaxweyne ka noqdo Farmaajo.
madaxweynaha somalia mudane mahamed abdullahi farmajo |
Madaxwenaha Soomaaliya ayaa safarka uu maanta ugu baxay Qadar imaanayaa xili uu shalay un dalka kusoo laabtay, waxaana safarada Madaxweyne Farmaajo noqday kuwa ka badan intii ay safri jireen madaxdii isaga ka horeesay.
Comments
Post a Comment